Waxaa magaalada Baydhaba gaaray Laba gaari oo ah nooca aanay xabaddu karin oo laga diyaarad gaara ay ka qaaday Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Baabuurtan ayaa waxaa qaaday diyaarad lasoo kireeyay oo xamuul, iyadoo wararku sheegayaan inay adeegsan doonaan laba musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasoo la sheegay inay tageero ka heystaan dowlada Federaalka.
Labadan musharax ayaa kala ah wasiirka Tamarka C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Agaasimihii hore ee Nabadsugidda Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus), waxaa kaloo diyaraadda la socday ciidamo iyo baabuur nooca Cabdi billaha ah.
Wasiir C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa la sheegay inuu yahay musharaxa rasmiag ah ee ay wadato dowladda Federaalka, waxaana la filayaa inuu dhowaan iska casilo xilalka Wasiir iyo Xildhibaan ee uu isku hayo inkastoo loolan adag uga imaan doono Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo 17-ka bisha November ayaa lagu ogaan doonaa guusha iyo fashilka madaxda dowladda Federaalka oo go’aansatay inay ka hor timaado Shariif Xasan.
