Musharixiin iyo siyaasiyiin ayaa Muqdisho ka bilaabay arrin ku cusub arrimaha siyaasadda Soomaaliya markii ay sheegeen inay soo bandhigayaan hantiada guud ee la lunsaday.
Shir uu soo abaabulay isbaheysiga Xisbiyada siyaasadeed oo kaashanaya hay’adda “MARQAATI” ayaa ka dhacay Muqdisho, iyadoo la soo bandhigay xog hordhac ah oo ku saabsan hay’adaha iyo xarumaha musuqmaasuqa ku kaca ee dowladda Soomaaliya.
Waxay siyaasiyiinta arrintan horkacaya oo ay ka dhex muuqdeen: C/raxmaan C/shakuur, Maxamuud Axmed Tarsan, Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan C/llaahi Goodax ayaa sheegay inay mar dhow bilaabi doonaan shaacinta magacyada mas’uuliyiinta dowladda iyo shirkadaha ku howlan musuqa lagula kacayo Dhul boobka, Qandaraasyada, Canshuuraha, Ganacsiga, Canshuuraha adeega, Sahay safar, Lunsiga mushaarka ciidanka iwm.
Dadka qaar ayaa shaki ka muujiyay in siyaasiyiin laf ahaantooda fartu ku godan tahay oo intii ay xilka hayeenku kacay musuq ay uga hadli karaan kuwo la mida oo musuqa hadda ku dhex jira.
Wadani.com