Maamulka Gobolka Gedo ee hoostaga dowladda Federaalka ayaa soo gudbiyey liiska musharixiinta guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka magaalada Garbahaarey oo ka mida magaalooyinka Doorashadu ka dhici doonto.
Musharixiinta ay soo gudbiyeen maamulka Gedo ee taageersan Madaxweymaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa ka danbeeyay shir ay isugu keeneen odayaasha iyo qeybaha bulshada magaalada qaarkood oo lagu soo xulay xubnahan.
Waxaa maanta xubnahan shaaciyey Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Madaxtooyada Soomaaliya ay magacawaday Axmed Buule Gareed (Canjeex), waxayna xubnahaasi kala yihiin:
MUSHARIXIINTA XILKA GUDDOOMIYAHA
1- Nuur Sheekh Muxumed Jaamac
2- Cali Xaaji Diiriye Sakiin
MUSHARIXIINTA GUDDOOMIYE KU XIGEENKA
1- Aadan Cismaan Nuur
2: Xuseen Baliil Cabdi
Arrintan ayaa imaaneysa 24 saac ka hor booqasho ay Garbahaarey ku tegayaan Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta iyo wafdiga maamul Goboleedyada aamay ku jirin Jubaland.
