Musharixiin u taagan xilka madaxweynaha ayaa magaalada Kambala ee dalka Uganda ka soo saaray baaq ka kooban 6 qodob oo ay uga hadleen xaaladda dalka iyo Doorashada.
Musharixiinta oo ay ka mid ahaayeen Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa qoraalkooda ugu baaqay dalal aysan magacaabin inay joojinyaan faragelinta ay ku hayaan Doorashada Soomaaliya.
Waxay kaloo ciidamada amniga iyo mas’uuliyiinta dowladda ugu yeereen inaysan wax shaqo ah ku yeelan arrimaha doorashada oo ay dhexdhexaad ka ahaadaan.
HOOS KA AKHRI