Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shuruudo ku xiray wadahadal dhex mara maamulkiisa iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli uu maanta gaaray dalka Jabuuti oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya.
Muuse Biixi oo Madaxtoyada magaalada Hargeysa kula kulmay wakiilada dowladaha Norwey iyo Turkiga ee qaabilsan wadahadalka Somaliya iyo Somaliland ayaa soo saaray qoraal u kusoo bandhigay shuruudo uu sheegay haddii la fuliyo inay tegayaan Gogosha wadahadalka.
Shuruudaha Madaxweynaha Somaliland ku soo bandhigay ayaa kala ah:
1- in loo wada-hadlo sidii labada dowladood.
2- In la helo xal ku dhamaada laba dowladood oo kala madaxbannaan.
3- In la hirgaliyo dhamaan heshiisyadii lagu gaaray wada-hadaladii hore, hadii la doonayo in dib loo bilaabo wada-hadalada.
4- In la helo nidaam caalami ah oo dhex dhexaadin ah, kaasi oo damaanad qaadi kara fulinta qodobada lagu heshiiyo.
5- In la helo xoghayn maamusha xogta shirarka, xoghayntaasi oo aamin ah, dhexdhexaad ah, isla markaana ku sifowday howlkarnimo, sidookale.
6- In la helo xeerar lagu dhaqmo inta wada-hadaladu socdaan.
7- Iyo in loo bahanyahay ajende qeexaya khilaafka labada dhinac si looga wada-hadlo arrimaha udub dhexaadka u ah, isla markanaa uu wad-hadalku noqdo mid wakhtiyaysan oo wakhti xadidan kusoo dhamaada.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Saaka ka dhoofay magaalada Hargeysa, isagoo gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu kulankiisii ugu horeeyay Jabuuti kula yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyado ay wadahadalka gacan ku leeyihiin dalalka Turkiga iyo Norway.
