Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku horeeya tartanka senatoornimada Aqalka sare ee kursiga uu difaacanayo.
Waxaa Muuse Suudi kursiga kula tartamay Musharixiinta kala ah; C/llaahi Sheikh Xasan, Axmed Caddow Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay.
Codadkii la tiriyey waxaa ku horeeya Muuse Suudi oo helay 51 cod.
Axmed Daaci ayaa helay 28 cod, halka C/llaahi Sheekh Xasan uu helay 15 cod. Dr. Xasan Caddaay ayaa isna helay 2 cod.
Waxaa tartanka ka haray C/llaahi Sheekh Xasan. Waxaana si toos ah loogu gudbay wareega 3aad oo ay ku tartami doonaan Muuse Suudi iyo Axmed Daaci.
