Safiirka cusub ee Shiinaha u soo magacaabay Soomaaliya oo shalay waraaqihiisii aqoonsiga uu ka guddoomay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Buug uu guddoonsiiyay madaxweyaha.
Buuggan ayaa si weyn loo hadal hayaa baraha bulshada, waana buugga lagu magacaabo “Xi Jinping: The Governance of China” oo uu qoray Xi Jinping hogaamiyaha Dalweynaha Shiinaha oo koobaya shaqooyinkii waaweynaa ee uu qabtay intii u dhaxeysay November 15, 2012 ilaa June 13, 2014.
Buugga wuxuu ka kooban yahay 79 khudbaddood, wadahadallo, wareysiyo, hagid iyo xiriiro loo qeybiyay 18 cutub. Qodob kasta waxaa wehliya tilmaamo ku saabsan hab-dhaqanka, iyo taariikhda Shiinaha.
Waxaa ku buugga ku dhex jira 45 sawir oo ka tarjumaha noloshii siyaasadeed Xi Jinping. Akhristaha buugga wuxuu ka faa’iidi karaa fikradaha iyo qaabka hogaamineed ee dalka Shiinaha oo ay ku jirto jidkii ay u soo mareen horumarinta dalkooda.
Buugga waxaa lagu tarjumay luqado fara badan oo ay ka mid yihiin; English, French, Russian, Arabic, Spanish, Portuguese, German and Japanese, wuxuuna gaaray meelo badan oo dunida ka mida.
Madaxweyne Farmajo ayaa laga yaabaa inuu wax badan ka faa’iideysto fikradaha Shiinaha, waxayna ahayd hadiyad uga timid Shiinaha.
Wadani.com