Safiirkii Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa la sheegay inuu xilka iska casilay.
War laga soo xigtay weriye u shaqeysa joornaalka caanka ah ee Wall street Journal ayaa qortay warkan, iyadoo sheetgay inay shaqo ka tegista safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Schwartz ay xaqiijisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Sababta keentay is-casilaadda Stephen Schwartz ayaa la sheegay inay tahay mid shaqsiyeed oo isaga u gaara, waxaana uu shaqada ka tegi doonaa dhammaadka bisha November, halka is-casilaadiisa uu Madaxweynaha Mareykanka aqbalay 29 September 201.
Stephen Schwartz ay xilkan hayay muddo sanad ah, waxaana hore uga cudurdaaratay haweeneydii uu madaxweyne Obama u magacaabay ee Katherine Dhanani
Safiir Madaxweynaha Obama u soo magacaabay Soomaaliya oo iska diiday xilkaasi