Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala socday Gacan-gelinta Qalbidhagax? [Akhriso Xaqiiqada Kiiska]

    Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala socday Gacan-gelinta Qalbidhagax? [Akhriso Xaqiiqada Kiiska]

    September 4, 20175 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Si guud qof weliba wuu fahmikaraa in Madaxwaynuhu arrintan iyo heererkay maraysay wuxuun kala socday laakiin waxaan idin la wadaagi arrimo dhacay oo xaqiiqo ah.

    1. Markii uu Cabdikariim Gaalkacayo ku xidhnaa waxaa in Muqdisho la keeno doorka runta ah ku lahaa safaaradda Ethiopia iyo masuuliyiinta Farmaajo ka hoosaysa, dadka caadiga ah iyo Farmaajo waxaa loo sheegayey in Cabdikariim NISA soo qaaday si dowladdu go’aan uga gaadho arrinkiisa.
    2. Markii Muqdsiho la keenay rag muxtarim ah oo masuuliyiin qaran ah, ayaa M/weyne Farmaajo; kala hadlay arrinta Cabdikariim, waxayna ku yidhaahdeen: “Mudane ninkan haddayna dowladdu wax dembi ah u haysanin sii daa, isaguna wuxuu u hadlay si fiican oo wuxuu yidhi: waa sax e, waxaynu iswaydiin uun ma halkan ayeynu kusii daynaa mise dal kale ayeynu u qaadnaa? intaas markii lagu kala tagay waxaa dhacday xoogaa isdhigasho ah oo qolyihii Cabdikariim sii dayntiisa ku hawlanaa (xildhiaano, sanatarro iyo dad magac leh) ayaa waxay is dhacsiiyeen mar haddii ninkii Muqdisho la keenay M/waynihiina la kulmeen inay arrintiisu sahlan tahay, Jaaniskaas waxaan beer-daraynin Saraakiisha Sirdoonka Ethiopia iyo safaaradooda, tusaale ahaan waxaa la xaqiijiyey in muddo 24 saac guddohood ah ay 5; jeer kulmeen Agaasimaha NISA iyo Saraakiisha Ethiopia, intaas waxaa dheeraa oo aana xaqiijin karin laakiin aan kasoo xigtay dad xog-ogaal ah in dowladda Ethiopia codsi rasmi ah soo gaadhsiisay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya MR, Khaire.
    3. Agaasinka Madaxtooyadu wuxuu cidhiidhi geliyey oo uu aad u adkeeyey fursadihii lagula kulmi lahaa M/weyne Farmaajo, gaar ahaan masuuliyiintii Cadikariim sii dayntiisa u’ololaynayey oo dhammaantood ah masuuliyiin u badan labada gole ee Baarlamaanka, oo waxaaba dhacday in rag xildhibaanno ah 8; saacadood madaxtooyada joogeen kadibna iska tageen iyagoon arag Farmaajo.
    4. Maalintii wareejintu dhacday waxaa Madaxwayne Farmaajo wada jir ula kulmay R/wasaaraha iyo Agaasimaha NISA Mr, Sanbaloolshe, waxayna Farmaajo siiyeen warbixin odhanaysa: “Mudane; Cabdikariim iyo Ethiopia way is og-yihiin oo ciidankeenna umbaa ninkan soo qabtaye isaga iyo Ethioia waxba iskuma diidana ee aynu dhexdooda ka baxno, Farmaajo; hadalkaas wuu qaatay laakiin xoogaa dareen ah ayaa ku jirtay sida dib innooga muuqan-doonta, durba wuxuu Farmaajo dalbaday in loogu yeedho qaar kamida xildhibaanaddii sii daynta Cabdikariim ku howlanaa, goordambe markay xildhibaanadu utageen Farmaajo wuxuu la wadaagay xogtii lagasiiyey # Qalbidhagax ee ah inay isaga iyo Ethiopa is ogyihiin, intaas kolkuu yidhi ayey xildhibaanadii ku yidhaahdeen: “M/weynow ninkan 30; sano ayey Ethiopia raadinaysay, warkaasina majiro, talo adigay ku joogtaaye ama siidaa ama hayso” Markii intaas lagu yidhi waxay xildhibaanadu sheegeen inuu Madaxweynuhu si u naxay oo xoogaa shucuuri ka muuqatay oo weliba yidhi: “Haddaa ma beenbaa la iisheegay?”” (Laakiin waa goor ninkii Ethiopia la wareegtay) .Markaad xogtaas aannu Masuuliyiinta kasoo xiganay qiimayso waxaa kuu muuqanayasa in Mr, Farmaajo looga tallaabsaday jar isna uu dabinkii galay, laakiin tani kama leexinayso masuuliyadda dembigii dhacay oo wuxuu naqonayaa qofka koowaad ee loo haysto.

    Markii Cabdikariim lagasoo qaaday Magaalada Gaalkacayo ee MUQDISHO la keenay waxaa lagu wareejiyey ciidanka NISA; wuxuuna ku xidhnaa xaruntooda waxaana loola dhaqmay si wanaagsan, isaguna wuxuu qabay kalsooni 100% ah inuu Ethiopia ka badbaaday. Kadib markuu heshiiskii Wareejintu dhacay ayaa waxaa taliyaha askartii NISA ee haysay Cabdikariim sh muuse loo sheegay in Maxbuuska loo wareejinayo goob kale (Xabsi kale) Cabdikariim laftiisa waxaa lagu wargeliyey in goob kale lagaynayo.

    Kadib maxaa dhacay?

    Waxaa goobta tagay Agaasimaha NISA Sanbaloolshe iyo la taliyaha M/weyne Farmaajo S/guuto Bashiir goobbe; waxayna wateen baabuur ayna xabbaddu karin oo laga leeyahay Madaxtooyada (villa Somalia) waxaana la socday askarta koofiyad casta ah ee Madaxtooyada. Kadib waxaa Cabdikariim la geeyey Safaaradda Ethiopia oo Madaxtooyada ku dhextaalla, waxaana halkaas kasoo raacay laba sarkaal oo ka tirsan Wardoonka Ethiopia, markuu arkay Saraakiisha Ethiopian-ka ayuu Cabdikariim dareemkii ugu horreeyey qaaday, isla dhawr daqiiqo yar gudohood waxaa la geeyey Airport-ka MUQDISHO.

    Kadib maxaa dhacay?

    Markii laga dajiyey gaadhigii lagu waday ee larabay in diyaaradda lasaaro ayuu Cabdikariim dagaalamay wuxuu ahaa nin xoog badan waxaa xakaym waayey ilaaladii wadday, meeshii waxaa ka dhacay buuq, waxaa soo farageliyey Saraakiishii iyo askartii Airport-ka joogtay waxayna yidhaahdeeen: “celiya ninkan!, diyaaradda xoog laguma saarayee”. Kadib maxaa dhacay? Dibbaa loosoo celiyey Cabdikariim, waxaa la geeyey xerada Afisyoone, waxaa lagu sameeyey jidh-dil xoog badan, waxaa aad looga garaacay madaxa, lugaha iyo gacmaha markii la jilciyey waxaa madaxa loo galiyey maro lagu qariyey dhammaan madixiisa, waxaana loo xidhay laba dible. Sidaas ayaa markale loogu qaaday Airport-ka laakiin markan ma’uuna ahayn nin isdhaq-dhaqaajin kara! waxaana lasaaray diyaarad yar oo garoonka meel gees ah ka taallay isagoo ay garbaha kaga jiraan laba askari oo soomaali ah oo Koofiyad cas ah, waxaana sii raacay Saraakiil Tigree iyo soomaali isugu jirta, waxaana laga dejiyey Magaalada Baydhabo.

    Maxaan kasii wadaa hadalka?! Caku soomaalinimooy! Caku islaamnimooy! Caku bani’aadam-nimo oy!… Caku Aadan cabdulle Cismaanow (Airport- ka ayaa magaciisa lasiiyey waxaana ka dhacay waxaas) Caku Calankii buluugga ahaayow (isaga difaaciisa 3 xabadood ayaa ugu dhacay jidhkiisa).

    FG: xogtan waxaa ila wadaagay saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo arrintan lasocday bilow iyo dhammaad. # Dhiibista_QALBIDHAGAX Fadlan qaybi qoraalkan adigoo Mahadsanid.

    WQ: Ismaaciil Cali Ismaaciil (Ina Cali Fooley)

    C/kariin Qalbi dhagax Farmaajo ONLF Qalbi dhagax
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa ka jira Codka laga duubay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ee Cosoble faafiyay?
    Next Article Qorshe Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejinayo Dalal kale oo soo shaac baxay [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo