Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug State Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” u diiday inuu ku casuumo shirka madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Muqdisho, taasoo lagu tilmaamay mid gef ah oo aan qabanin maamulka Galmudug iyo dadkiisa sida ay saxaafadda u sheegtay Sahra Maxamed Axmed oo ka tirsan ururka Haweenka SWDC oo Muqdisho ka dhisan.
[ad name=”HTML-4″]
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu u diiday Cabdi Qeybdiid ka qeybgalka shirka looga hadlayo hiigsiga cusub ee Muqdisho ka socda iyadoo maamulka Galmudug ka mid ahaa saxiixayaashii Road Map-ka ee lagu dhisay dowladda Federaalka. Sahra waxay sheegtay inay nasiib darro tahay in shirkaasi aan laga qeyb gelin Cabdi Qeybdiid ayna cambaareynayaan tallaabada uu qaaday madaxweynaha.
Cabdi Qeybdiid ayaa laf ahaantiisa saxaafadda la hadlay wuxuuna sheegay in isagoo ku sugan Muqdisho haddana shirkaasi laga qeyb gelin taasoo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, wuxuuna si weyn u canbaareeyay madaxweynaha oo uu sheegay inuu dad gaar u yeertay.
Maamulada Galmudug iyo Ximin & Xeeb ayaa loo arkaa inaysan gaarin maamul goboleed rasmi ah sida maamulada kale ee shirka ugu socdo Muqdisho, iyadoo hadda ay socdaan shirar lagu doonayo in maamul dhameystiran loogu sameeyo Gobollada Dhexe.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]