Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Muxuu salka ku hayaa muranka ka taagan mooshinka Guddoomiye Jawaari..? [Faaqidaad]

    Muxuu salka ku hayaa muranka ka taagan mooshinka Guddoomiye Jawaari..? [Faaqidaad]

    March 20, 20185 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muddadii sanadka ahayd ee ay dhisneyd dowladda hadda jirta, waxaa dhowr jeer soo baxay warar sheegaya mooshin ka dhan ah qaar ka mid ah madaxda sare ee dowladda, balse mar kasta dib ayay wararkaasi ka beenoobi jireen.

    Balse isbuucii la soo dhaafay ayay xildhibaano mooshin lama filaan ah ka keeneen guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

    Mooshinka Jawaari

    Waxaa mooshinka guddoomay ku xigeenka Jawaari, Cabdiwali Muuday, waxaase dhacay arrimo isbadalo xawli ku socday ah.

    Guddiga joogtada ee baarlamaanka ayaa shir jaraa’id ka sheegay in mooshinkii Jawaari uu jabay maadaamaa ay ka noqdeen 13 xildhibaan, sidaasi darteedna ay kusoo hartay 91 xildhibaan, taas oo aanan buuxinaynin guntankii loogu talogalay.

    Goobtaas shirka jaraa’id waxaa fadhiyay Cabdiwali Muuday, balse saacado kadib ayuu warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in mooshinka uu meelmaray, isaga uu gollaha horgeyn doono.

    Waxay noqonaysaa markii koowaad oo mooshin laga keeno Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo ay u tahay markii labaad oo uu noqdo guddoomiye baarlamaan.

    Baarlamaankii sagaalaad oo codka kalsoonida uu baarlamaanka kala laabtay labo Ra’isulwasaare, Jawaari ma jirin wax mooshin ah oo laga keenay.

    KASHIFAAD: Yaa ka dambeeya Mooshinka Mudane Jawaari..? [Akhriso Xaqiiqada Mooshinka & Xaalad ka dhalan karta]

    Mooshinkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa maalin oo kaliya ka dib markii baarlamaanka uu cod aqlabiyad ah dalka kaga mamnuucay shirkadda DP World ee Imaaraatka laga leeyahay oo qandaraas la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland si ay u maamusho dekeda Berbera.

    Sidoo kale, wuxuu mooshinka yimid maalmo kadib markii Jawaari iyo maamulka baarlamaanka ay dowladda Turkiga la saxiixdeen mashruuc lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ay ku kacayso lacag dhan $100 milyan oo doolar.

    Lama oga waxa mooshinka kusoo beegay labaddan arrimood ee waaweyn.

    Yaa gadaal ka riixaya mooshinka Jawaari?

    Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa si toos ah xukuumadda iyo Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre ugu eedeeyay in ay gadaal ka riixayaan mooshinka, wuxuuna sheegay in xitaa amnigii baarlamaanka ay la wareegeen ciidammo aanan guddoonka baarlamaanka ka amar qaadanin oo ay soo direen laanta fulinta, isaga oo intaas ku daray in loo baahanyahay in uu baarlamaanka ku shiro meel madaxbanaan.

    Maalinkii xigtay waxaa dhismaha golaha baarlamaanka la wareegay ciidammo ka socda Midoowga Afrika (AMISOM), kuwaas oo waajibaadyadooda koowaad ay ka midyihiin illaalinta xarumaha waaweyn ee dowladda sida baarlamaanka, Madaxtooyada iyo meelaha muhiimka ah.

    Dadka taageersan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada mooshinka keenay ay ku jiraan xubnaha golaha wasiirada, kuwaas oo ka tirsan baarlamaanka.

    Labo maalmood kadib waxaa shir jaraa’id kasoo muuqday qaar ka mid ah golaha wasiiradda oo Jawaari ugu baaqay in uu iscasilo, haddii kale ay meelmarin doonaan mooshinka.

    Guddoomiye Jawaari oo ogolaaday Mooshinkii laga keenay; “Ra’iisal Wasaaraha ayaa la wareegay xaruntii Baarlamaanka”

    Ugu dambeyntii Prof Jawaari ayaa ogolaaday in mooshinka cod la galiyo, balse waxa uu shuruud ka dhigay in muddo 10 maalmood gudahood ah codkaas lagu qaado, islamarkaasna kulanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah, sida uu hadalka u dhigay.

    Iyada oo uu Jawaari ogolaaday in mooshinka codka la galiyo, ayay wali sii socdaan kullamadii ay lahaayeen xildhibaanada keenay, iyo baaqyadii ahaa in uu is casilo, taas oo keentay in taageerayaasha jawaari su’aal geliyaan sababta loo sugi la’yahay waqtiga mooshinka, haddiiba ay kalsooni ku qabaan in ay heystaan cod ku filan in Jawaari la rido.

    Inkasta oo Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha aysan marnaba ka hadlin qalalaasaha siyaasadeed ee jira, ayay Caasho Axmed Cabdalla oo horey xildhibaan u ahaan jirtay qabtaa “Haddii mar mooshinka la keeno, sharciga waxa uu qabaa in guddoomiyaha uu noqonayo xubin caadi ayuu noqonayaa, guddoonkana waa uu ka fariisanayaa”.

    Maxaa lagu eedeeyay Jawaari?

    Sida ku qoran warqadda mooshinka, xildhibaanada keenayna ay warbaahinta marar kala duwan u sheegeen, waxaa Jawaari lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, cabburin aragtida xildhibaanada iyo eedeymo kale oo culculus.

    Sakariye Yuusuf waa falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan hay’adda xasarada adduunka ee ICG, ayaa yiri “Waxaan akhriyay mooshinka hadda laga keenay Jawaari , eeddana cidda soo jeedisay ayaa laga rabaa in ay soo caddeyso, aniga baarlamaanka kama mid ahi, mana sheegi karo in eedeymahaas ay wax ka jiraan iyo in kale, balse waxa meesha yaala ayaa ah in baarlamaankan kii ka horeeyay iyo kanba uu hoggaanka u hayay Jawaari, xaqiiqda marka la fiiriyana wuxuu ku hoggaaminayay waayo-aragnimo, aqoon iyo odaynimo, Soomaaliyana maanta kama maaranto odaynimo”.

    Eed kasta oo loo heysto Jawaari, waqtiga xasaasiga ah ee uu mooshinka kusoo beegmay ayay dadka qaarkood farta ku fiiqeen in uusan munaasab ahayn in xilligan uu dalka galo qalalaase siyaasadeed sida uu sheegay Maxamed Ibraahim oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan dalka Jabuuti. wuxuuna yiri “Muddo 28 sano ah, siyaasiyiinta Soomaaliya ma aysan samaynin wax dib u heshiisiin qaran ah, waxaan aniga ku ku qiimeeyay siyaasad jiho wareertay, haddiiba maanta uusan baarlamaanka ka shiri haynin sidee dalkan la’isugu soo dhaweeyaa, dar xumaa keentay in siyaasadda Soomaaliya sidan loo fikiro” .

    Qodabada dastuurka iyo xeer hoosaadka ee codeynta mooshinka

    Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah.

    Taas waxa ay ka dhigantahay in ay mooshinka ogol ugu codeeyaan 184 xildhibaan, marka si kale loo yiraahdana in Jawaari uu mooshinkan ka badbaado, waxa uu u baahanyahay 92 xildhibaan oo kaliya oo codka diidmada ugu codeysa mooshinka.

    Baarlamaanka Mooshin Mooshinka Jawaari
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Fiqi: “Duullaanka lagu hayo Baarlamaanka waxaa isku bahaystay Maamul Goboleed, Xukuumadda iyo xafiiska Madaxweynaha..”
    Next Article Amiirka Dalka Qatar oo Safiir aan caadi ahayn u soo magacaabay Soomaaliya [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo