Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Muxuu xilka ku waayay Cabdicasiis Xildhibaan…? -Afhayeenkii Wasaaradda Amniga- [Warbixin]

    Muxuu xilka ku waayay Cabdicasiis Xildhibaan…? -Afhayeenkii Wasaaradda Amniga- [Warbixin]

    July 10, 20184 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Bilihii ugu dambeeyay waxaa warbaahinta uu wajigiisa caan ka noqday Cabdicasiis Xildhibaan oo ahaa afhayeenka wasaaradda amniga ee dowladda federaalka, wuxuuna warbaahinta kasoo hormuuqan jiray markasta oo ay dhacaan falal amniga lid ku ah ama marka hawlgal la sameeyo.

    Balse shalay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka iyo waliba la taliyenimada laga qaaday Cabdicasiis.

    Hase yeeshee Cabdicasiis oo laftiisa hadlay ayaa sheegay in 5tii bishan July uu gudbiyay istaqaaladiisa, isaga oo sabab uga dhigay kadib markii uu dhacay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday wasaarada amniga.

    Hadalkii la qoonsaday?

    Xil ka tagistiisa ma ahayn mid kadis ku dhacday, waxayse ahayd arrin la filan karay kadib markii hadalo siyaabo kala duwan loo fasirtay uu warbaahinta ka sheegay Cabdicasiis Xildhibaan.

    Isaga oo meel fagaaro ka hadlayay, lana hadlayay dhalinyaro caasimadda ku sugan, ayuu Cabdicasiis su’aal galiyay sida dowladda uga go’antahay sugista amniga “Sidee suurtogal ku noqotey in baabuurkaasi meesha soo gaaro?, la isma weeydiinayo” ayuu yiri Cabdicasiis oo ka hadlayay qarixii ka dhacay xarunta Otto Otto ee ay dadka ku dhinteen.

    Halkaasi kuma uusan sii ekeyn hadalka, waa uu sii waday, wuxuuna yiri “Waxaan ka imid goob ka xasiloon, goob ka gaadiid qurxoon, ma rumeynaysaan afhayeenkii wasaaradda amniga ayaan ahay, 11 bilood wax mushaar ah maanan qaadanin, waxaan u shaqaynayaa, nafteydana u hurayaa in ay dadkayga badbaadaan”.

    Biilka Boqoradda Ingiriiska

    Cabdicasiis Xildhibaan waxa uu heystaa dhalashada dalka Ingiriiska, halkaas oo uu u degenyahay reerkiisa, wuxuuna yiri:

    “Waxaan ahay aabbe, 10 carruur ah ayaa ii joogta, midka ugu yarna uu labo jir yahay, waxaan rabaa in ay ogaadaan asalkayga meesha uu kasoo jeedo, dal in ay leeyihiin, maanta uma baahna Soomaaliya, haddii aan dhinto xitaa boqorada (Ingiriiska) ayaa bixinaysa biilma ilmahayga”.

    Hadal loo fasirtay in uu ugu duurxulayay mas’uuliyiintadowladda federaalka ayaa ahaa “Tuugo boorsooyin wata haddii aad doorataan maalin kasta oo idinka adeeganaysa, canshuurta idinka qaadaysa, uusana jirin wax adeeg dadweyne ah 30 sano ee lasoo dhaafay, aniga afhayeenka amniga ayaan ahay, ima weeydiinaysaan sida uu qaraxa ku dhacay, aniga subax kasta waan idin soo hortaagnahay, hoggaamiye kii xishoodo waaye, haddii ay guuldaro timaado waa in uu yiraahdaa hawshii aan ummadda u hayay waan ka tagay, weli ma aragteen mid is casilaya”.

    Cabdicasiis Xildhibaan aragti ayuu ka qabaa mas’uuliyiinta uu isaga ka midka yahay ee baasaboorada ajniga heysta, ee xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri “Aniga qabiil ma ahi, beri haddii ay xabad dhacdo garoonka ayaan ka baxayaa, baasaboor ayaan wataa, adiga ma dhoofi kartaa?, marka nin baasaboor kale wata ha yeelina in uu idin soo hor istaago, maslaxada ummaddani kuma jirto”.

    Madaxda ugu saraysa dowladda oo ay ka midyihiin madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha iyo inta badan golaha wasiirada iyo xildhibaanada ayaa haysta baasabooro dalal kale ah.

    Lama oga in hadalkaasi qayaxan ee Afhayeenka la qoonsaday iyo in kale , sidaasina xilka looga qaaday, mise ahan afhayeenkii ugu horeeyay ee xilka laga qaado.

    Ninkii xilkaas kaga horeeyay Axmed Carab ayaa sheegay in uu xilka iska casilay kadib markii uu u dulqaadan waayay xil gudasho la’aanta laamaha amniga, balse wasaaradda amniga ayaa xilligaas sheegtay in ay xilkii ka qaadday Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Carab).

    Amniga Caasimadda

    Xil ka tagista afhayeenka, ahaana la taliyaha wasaaradda ayaa waxa ay toosh ku ifinaysaa amniga caasimadda, halkaas oo dowladda federaalka la tacaalayso sidii ay u joojin lahayn falal amni daro oo soo noqnoqday, kana midyihiin qaraxyada ismiidaaminta ah oo kii ugu dambeeyay uu dhacay maalmo ka hor.

    Waxaa magaalada ka hawlgala ciidamo lagu magacaabo xasilinta caasimadda, waxaana madax ka ah Prof Yaxye Ibraahim oo ahaa bare jaamacadeed, waxaana loo xil saaray in magaalada Muqdisho ay kusoo celiyaan amniga iyo kala dambeynta.

    Inkasta oo lagu amaanay in ay qabteen hawlo badan, qaraxyadiina hoos u dhaceen, haddane weli si dhab ah looguma guuleysan in si rasmi ah loo joojiyo, waxaana dhaca falal amni daro iyada oo weliba ay shacabka ka cabanayaan waddooyin laga xiray, kuwaas oo ay dowladda ku fasirtay in arrimo amni sugis dartood loo xiray.

    Afhayeenka Amniga C/casiis Xildhibaan Wasaaradda Amniga xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin Fal Naxdin leh: Nin walaalkiis ku dilay Magaalada Muqdisho
    Next Article Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo xil ka qaadis ugu hanjabay Garsoorayaasha Maxkamadaha [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo