Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Muxuu yahay Xalka la isugu imaan karo Doorashada 2020/2021..? [Akhriso Qormada C/raxmaan C/shakuur]

    Muxuu yahay Xalka la isugu imaan karo Doorashada 2020/2021..? [Akhriso Qormada C/raxmaan C/shakuur]

    December 14, 2019Updated:December 14, 20196 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maalmahan waxay dooddiisu socotaa sharciga doorashooyinka ee uu soo turxaan bixiyey Guddigii uu Baarlamaanku u saaray dib u eegista sharciga doorashooyinka. Inta badan doodda ayaa hal dhinac u socota marka laga reebo dhowr ruux oo lagu tiriyo in ay madaxweyne Farmaajo la jaal yihiin.

    Sharciga cusub wuxuu meesha ka saaray in cod-bixintu ay noqoto hal doorasho deegaan (single constituency), oo wuxuu soo jeedinayaa doorasho deegaan ku saleysan maamul goboleedyada haatan jira (multiple constituency), wuxuu kaloo meesha ka saaray in doorashada lagu saleeyo nidaamka matalaadda nisbada liiska xiran (Proportional Representation, PR – Closed list) oo la dooranayo Xisbiga oo keliya, Xisbi walbana loo xisaabinayo codadka guud ee uu helo, xisbiguna uu go’aaminayo liiska murashaxiinta xisbiga iyo siday ku soo baxayaan, wuxuuna soo jeediyey nidaamka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka hal-dheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka iyo liiska furan oo ah in aan loo hoggaansamin sidii liiska doorashada horteed loo dejiyey, magacyaduna u kala horreeyeeen. Wuxuu kaloo meesha ka saaray in Madaxweynaha uu ka imaanayo Xisbigii hela 50+1 xildhibaannada Baarlamaanka, taasoo khilaafsan qodobka 89aad ee Dastuurka.

    Doorasho toos ah mise doorasho qof iyo cod ah.

    Doorasho qof iyo cod ah waa in shacabku si toos ah oo xakameyn la’aan ah ugu codeeyaan ciddii ay doonaan oo si madax-bannaan ama Xisbi ka socda ee u tartamaya kuraasta Baarlamaanka. Haddiise kuraasta Baarlamaanka la sii kala suntado oo 275 ka kursi beelihii kala lahaa ay sidoodii u kala leeyihiin, muwaaddinkuna uu kala dooranayo musharraxiinta beesha oo keli ah, lama oran karo waa doorasho qof iyo cod ah, laakiin waxay noqon kartaa doorasho toos ah oo aan ahayn mid dadban.

    Doorashadii 2016 kii waxay ahayd mid dadban oo odayaasha dhaqanka ay soo xulayeen ergooyinka codka bixinaya, halka musharraxa u taagan kursiga Baarlamaanka uu si madax-bannaan isku soo taagayey, kursiga lagu tartamayana ay lahayd beeshii loo suntay.

    Laakiin sharciga dooddiisu ay haatan Baarlamaanka ka socoto waa doorasho toos ah, laakiin ma aha qof iyo cod. Keliya hannaan doorashadii 2016 kii waxaa lagu soo kordhiyey dhowr qodob oo la oran karo waa horumar iyo tallaabo horay loo qaaday, waxaana qodobbadaas ugu muhiimsan

    1- In musharraxa kursiga Xildhibaanka uu Xisbi soo sharaxayo, halkaas waxaa ka baxaya musharraxii iskiis oo madax-bannaan isku soo taagayey iyo

    2- In cod-bixiyaashan ay si toos ah isku diiwaan geliyaan oo aysan u baahneyn in oday dhaqan soo magacaabo, iyadoo ay cod bixiyayaashu isku diiwan gelinayaan 275 ka kursi, qofkiina uu hal kursi oo keli ah ka codayn karo. Waxay u baahan tahay in la helo nidaam diiwaan gelin ee lagu wada kalsoon yahay.

    Hannaanka doorashada tooska ah waa mid fudud oo haddii loo hawl galo la qaban karo ka hor inta uusan dhammaanin muddo xileedka dowladda haatan jirta.

    Doodaha is diiddan.

    Waxaa jira doodo is diiddan oo ku gadaaman sharciga doorashooyinka. Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxay weli olole ugu jiraan in doorashadu ka dhacdo meel kasta oo dalka ah isaga oo dalku yahay hal deegaan doorasho (Single national Constituency), in doorashada lagu saleeyo nidaamka matalaadda nisbada liiska xiran (Proportional Representation, PR – Closed list) oo la dooranayo Xisbiga oo keliya, xisbiguna yahay midka go’aaminayo liistada murashaxiinta xisbiga iyo siday ku soo baxayaan, iyo in madaxweynaha uu ka yimaado Xisbigii hela aqlabiyad fudud oo 50+1 Xildhibaan oo ah 140 Xildhibaan.

    Tuhunka hannaankaas laga qabo ayaa ah in Farmaajo uu is leeyahay maaddaama amniga dalka waxba laga qaban, ayna adag tahay in doorasho deegaan dalkoo idil laga hirgeliyo in duruufaha amni dartood doorashada kuraasta ugu badan lagu qabto magaalada Muqdisho, halkaasna ay ka codeeyaan waxa loogu yeero xoogagga waddaniyiinta, kuwaasoo uu horay u diyaarsaday

    Doodda muddo kororsiga.

    Waxaa jira xildhibaanno badan oo ku doodaya in aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, sidaas-darteed Baarlamaanka haatan jira ugu yaraan muddo 2 sano ah xilka loo kordhiyo, uuna doorto guddoon baarlamaan iyo Madaxwayne cusub. Su’aasha ugu wayn ee hor-taagan dooddaas ayaa ah hawshii 4 sano lagu qaban waayey miyaa 2 sano lagu qabanayaa? Madaxwaynaha ma yeelayaa in Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, isagana doorasho loo diro. Waxaase imaan kara dood oraneysa ha loo wada kordhiyo.

    Doodda ah ha la wada kororsado waxaa dilaya in aysan jirin sabab taas keeni karta. Haddi qabasho la’aanta doorashada xildhibaannada loo saariyo sababo iyo duruufo amniga la xariira, doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa lagu qaban karaa tiiba maalin. Maxaa haddaba lagu sababeynayaa muddo kordhinta madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka?.

    Haddiise madaxweynuhu uusan muddo kordhin heleynin, muxuu ka macaashayaa muddo kordhinta Baarlamaanka? Haddaba doodda muddo kordhinta ma aha mid shaqayn karta, waxaana taas ka sii daran in Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada siyaasadeed aysan marna yeeli doonin iyo beesha caalamka oo ay ku adkaan doonto in ay tageero siiiyaan dowlad aan sharciyad haysanin, dibna loogu laabanayo ku meel gaar.

    Doorasho toos ah.

    Waxaa muuqata in doodda la isku wada raaci karo ay tahay in la hirgeliyo qabashada doorasho toos ah, taasoo ka dhigan horumar lagu sameeyo doorashooyinkii 2016 ka. Lama oran karo doorasho qof iyo cod ah, maaddaama kuraasta Baarlamaanka ay yihiin kuwo horay beelo loogu sii suntay, cod-bixiyuhuna ku qasban yahay inuu qabiil u codeeyo oo uusan fursad u heli karin in qofkii uu doonayey u codeeyo.

    Cod-bixiyuhu weli waa xanniban yahay, laakiin wuxuu xor u yahay in uu kala doorto qabiilka. Doorashada qof iyo codka ah ee hannaanka dimoqraadiga ah cod-bixiyuhu deegaan doorasho kiisa dhaafsiisan kama codayn karo, laakiin cidii uu doono ayuu kursiga u go’aamin karaa. Maaddaama cod-bixiyaha uusan oday dhaqan soo xulaynin ee uu toos isku diiwan-gelinayo, waxaa la oran karaa cod-bixintu waa mid toos ah.

    Guntii iyo gebogebadii waxaa habboon in xildhibaannada Baarlamaanka ee ku doodaya muddo kordhiska in ay meel iska dhigaan damaca muddo kordhinta, sidoo kale Madaxweynahana waa in uu ka haraa hammiga uu is leeyahay xoogag waddaniyiin ha ku doortaan, doorasho is daba maris iyo ku shubasho ah aad meel marsatid. Sidoo kale Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
    (GMDQ) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) in ay iska daayaan dhalanteedka ah in la qabanayo doorasho qof iyo cod ah, ee loo soo wada jeesto sidii loo qaban lahaa doorasho toos ah oo xilligeeda ku dhacda. Haddaba Haddii meel la iska dhigo damacyada waalan, lana xeeriyo danta shacabka, xasilloonida dalka iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaa abuurmaya jawi looga wadashaqeyn karo sidii loo qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo is-oggol iyo isla-guddoon ku dhisan.

    W/Q: C/raxmaan C/shakuur Warsme

    C/raxmaan C.shakuur Doorashada 2020 Sharciga Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynihii hore ee Sudan Gen. Cumar Al-bashiir oo xukun lagu riday & Goobta lagu heyn doono oo la shaaciyey
    Next Article Xaliimo Yarey oo Baarlamaanka hortiisa ku dhaaratay inaysan u janjeerin Madaxweynaha Soomaaliya [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo