Wararka laga helayo gobollada Sh/hoose iyo J/Hoose ayaa sheegaya in laba nabadoon lagu weerarray magaalooyinka Afgooye iyo Kismaayo.
Koox hubeysan ayaa xaafadda 21-ka October ee degmada Afgooye toogasho ku dishay nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee caanka ka ah degmada Afgooye, Gobolka Sh/hoose, isagoo ka mid ayaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee lagu soo doortay magaalada Baydhaba, maamulka Koonfur Galbeed.
Dadka degaanka ayaa sheegay Dilka Nabadoonka ay toogteen labada dhalinyaro oo bistoolado ku hubeysan Xilli uu ku sugnaa xaafadda Buundo-yar degmada Afgooye, waxaana goobta ka baxsaday dableydii ka danbeysay dilka Nabadoonka.
Dhinaca kale dabley hubeysan ayaa magaalada Kismaayo caawa ku toogtay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise (Ciise Addoon) oo ka mida odayaasha dhaqanka Jubbooyika, horena u ahaa ganacsade, iyadoo ay dilkiisa ka dambeeyeen rag aan la garan oo ku weerarray xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, waxaana la soo weriyey inuu dhaawac culus soo gaaray, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu dhaawacii u geeriyooday.