Tuesday, May 13, 2025

Nicholas Kay: “Waxaan ugu yeerayaa Ahlu-sunna inay ka baxaan Dhuusmareeb”

Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa warbixin uu goor dhoweyd  soo saaray ka hadlay qabsashadii  Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo shalay ay la wareegeen garab ka mida Ahlusunna ee goboladda dhexe.

Nicholas-kay-united-nations

Danjire Kay ayaa sheegay inuu si aad ah uga walaacay isbedelka ka dhacay Gobolka Galgaduud, wuxuuna ka dalbaday dhinacyada is haya  inay dhowraan heshiiskii bishii Maarso ee ay kala saxiixdaan degmada Guriceel.

Ad

“Dhinacyada waa inay ixtiraamaan heshiiskii xabad joojinta ahaa ee lagu kala saxiixay Degmada Guriceel 5-tii Maarso, 2015,” ayuu yiri Nicholas Key oo sii raaciyay: “Waa inay dhinacyada oo dhan ka fogaadaan falalka rabshadaha ah; ayna sida ugu dhaqsiyo badan ku xalliyaan is faham-waaga jira.”

“Waxaan ugu yeerayaa  Ahlusunna inay ka baxaan Dhuusmareeb, kuna laabtaan fariisimahoodii hore” Danjire Kay oo si toos ah ula hadlay kooxda Ahlu Sunna ee qabsatay Dhuusamareeb. Wuxuuna ka digay in koox waliba u adeegsato rabitaankeeda awood iyo hubwaxay halis ku tahay horumarka la taaban karo ee laga gaaray Maamullada dalka  dhismaya.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON