Shirkii maamul u sameynta goboladda dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta dib u furmay kadib markii uu xayirnaa tan iyo Arbacadii hore oo muran gacan-ka-hadal wehliyo ka dhacay goobtii shirka, waxaana intii xiligaas ka danbeysay socday waanwaan lagu doonayo in shirkaasi dib loogu furo.
Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in ergada shirka iyo guddiga farsamada ay shirkooda dib u fureen inkastoo shirka loo diiday saxafiyiinta ayaa waxaa labada dhinac ay uga doodayaan khilaafka u dhaxeeya oo ay isku fahmi waayeen shirka.
Guddiga Farsamada shirka Cadaado ayaa doonaya inuu isagu hago, isla markaana ergada u yeeriyaan qodobada shirka looga doodayo laakiin ergada shirkaasi ayaa ka diiday arrintaasi, waxayna ku hanjabeen inay sameysan doonaan shir gudoon oo ay shirkooda wadan doonaan.
Kulanka maanta ayaa ah mid aan rasmi ah oo Guddiga farsamada ay ku dhageysanayaan cabashada ergada shirka iyo sidii la isku waafajiyaan labada rabitaan oo aad u kala fog. Waxaana dood aad u kulul ay dhex martay labadan dhinac. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka la filayaa inuu gaaro Cadaado si uu arrintan xal ugu helo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]