Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa nin lagu dilay dalka Mareykanka oo la xaqiijiyay inay walaalo yihiin madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya.
Ninkan ayaa la sheegay inuu socdaal ku jiray xilliga la dilay, waxaana falku ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaalad Kuala Lumpur.
Warbaahinta dalka Koonfurta Kuuriyada ayaa shaacisay ninka la dilay lagu magacaabi jiray Kim Jong-nam. Boolisk Malaysia ayaa sheegay in inuu ninkan la dhashay madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.
Waxay intaas ku dareen inuu sugayay diyaarad ku socotay magaalada Macau oo Isniintii uu ku qornaa, markii ay soo weerareen laba haween oo wejiyada soo qarsaday iyadoo wejiga iyo indhaha uga qabtay walxo dareere ah oo sumeysan kadibna ay baxsadeen.
Daqiiqado kadib ayaa la sheegay in loola carartay isbitaalka Putrajaya, halkaasoo uu ku dhintay. waxaa isbitaalka ilaalo ka haya ciidamada dembi baarista oo ku howlan baarista sidii ay wax u dhaceen.
Ninkan ayaa adeegsanayay baasaboor aan dalkiisa ahayn, waxaana la sheegay inuu ka baxsaday dalkiisa markii ay is qabteen walaalkiis xukunka haya, Kim Jong Nam ayaa ahaa wiilka ugu weyn carruurta hogaamiyihii hore ee Kuuriyada waqooyi Kim Jong II.