Waxaa maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida maanta la hor geeyay eedeysane C/fataax Cali Cumar oo dhowaan ciidamada Booliska ay soo bandhigeen, isagoo lagu soo qabtay burcadnimo uu si gaara u dhici jiray haweenka.
Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida ayaa C/fataax Cali kusoo eedeeyay inuu hore uga tirsanaa Alshabaab, isku dayay denbiyo ay ka mid ahay dil, inuu geystay kufsi iyo inuu ka dhacay dumar ka badan 60.
Eedeysanahan wuxuu maxkamadda horteeda ka qirtay 30 fal oo burcadnimo dhac ah, wuxuuna caddeeyay inuu geystay falal burcadnimo ah, isagoo sheegay in qaar ka mida eedaha loo heysto aanu gelin.
C/fataax Cali Cumar wuxuu soo noqday wadaad iyo Khadiib Masjid dalka Kenya, isla markaana shaqadii Alshabaab ku fashilmay, kadibna uu bilaabay dhaca haweenka iyo dhibaateyntooda.
Waxaa la yaab lahayd in markii ay ciidamada qabteen kadib uu isku dayey inuu laaluusho, si uu u baxsado, waxaana sarkaalkii uu siiyey 2000 doollar uu maxkamada u sheegay inuu lacagtaasi uga qaaday markii ay madaxda ku amreen inuu ka qaado laaluushka haddii ay dhab ka tahay.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA