Wararka laga helayo magaalada Washington ayaa sheegaya in nin hubeysan uu isku hor toogtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, caasimadda Washington.
Rasaas ayaa laga maqlay bannaanka Aqalka Cad, taasoo keentay xaalad degdag la geliyo Aqalka Cad oo la xiray in laga baxo ama la galo, waxaana arrinta la wareegay ciidamada gaarka ah ee ilaalada Aqalka Cad.
Daqiiqado kadib ayaa la shaaciyay in qof dhaawac culus kasoo gaaray rasaas uu isagu adeegsaday meel u dhow Aqalka Cad. Ninka is dhaawacay ayaa la sheegay inay xaaladiisa gacanta lagu hayo, lana daweynayo.
Ma jiro dhaawacyo kale oo goobta ka dhacay sida ay shaacisay hay’adda gaarka ah ee Aqalka Cad, iyadoo baaritaan lagu hayo sababta keentay in qofkaasi uu is toogto.