Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa denbi ku weysay, siina deysay nin la dhashay Basiira C/raxmaan oo ahayd haweeney indhoole ahayd agaasime ka tirsan Maamulka G/banaadir, taasoo la sheegay inay ka danbeysay qarixii xarunta G/Banaadir ka dhacay 24 July 2019.
Go’aan ay Maxkamada ciidamada ka gaartay Kiiskan oo muddo soo jiitamayey ayaa lagu shaaciyey inay wax denbi ah ku weysay Cabdulaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo ay walaallo ahaayeen Basiira C/raxmaan oo agaasimo ka ahayd maamulka Gobolka Banaadir, waxaana laamaha amnigaa dowlada Soomaaliya la faray inay la socdaan dhaq dhaqaaqa ninkan C/llaahi C/raxmaan Maxamed.
- XOG: Yaa ka danbeeyay Qarixii Is-miidaaminta ee Xarunta G/Banadir, Yaase Fuliyey.?
- XOG: Basiira mise Maryan- Dhagartii ay maleegtay Indhooshii loo naxariistay. [Dhageyso Baarista]
Qarixii maamulka Gobolka Banaadir ayaa sababay inay ku dhintaan guddoomiyeyaal degmo, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow, iyadoo weli dowladda Soomaaliya aysan soo bandhigin faahfaahinta qaraxaasi, cidda fududeysay iyo dadkii ka dambeeyay; waxaana weli maqan gabadhii kala shaqeysay ee Degan (Hodon).