Nin Somali-UK ah ayaa magaalad Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta loog heystaa ganaaxii ugu weynaa ee lacageed oo la saaray kadib markii lagu soo eedeeyay inuu jebiyay xeerka wadista baabuurta dalkaasi, markii uu muddo 33 jeer ah gaari uu kireystay uu xawaare aan la ogoleyn ku kaxeeyay muddo 4 saacadood gudahood ah.
Qoyska nin Britain u dhashay oo dalxiise ahaa ayaa sheegay wiilkoodu lagu qasbay in uu Dubai sii jooga ka dib markii xawaaraha gaari uu waday awgeed loogu ganaaxay 46,000 oo doolarka Maraykanka ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Faarax Xaashi oo 25 jir ah ayaan awoodin in uu iska bixiyo ganaaxaas, sida uu walaalkii sheegay. Qolada uu Xaashi ka kiraystay gaariga Lamborghini Huracán ayaa wargeyska The National u sheegay in ay ka sii hayeen baasaboorkiisa.
Balse walaalkii Adman oo 50 jir ah ayaa sheegay in baasaboorkiisa laga qaaday ka dib markii uu waday gaarigan 155,000 ee gini la siiyo. Xaashi ayaa la sheegay in uu jabiyay xeerkii xawaaraha ee u dajisnaa mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Dubai, isga oo waliba tobannaan jeer khaladkaas ku celceliyay saacadihii hore ee Talaadadii.
Ganaaxa guud ayaa noqday 175,000 oo dirham oo u dhiganta $47,600 doolarka Maraykanka ah. Wuxuu jabiyay xeerkii xawaaraha ee waddada Sheikh Zayed Road isaga oo gaariga ku kaxeeyay 240km saacaddii.
Adman Xaashi ayaa sheegay “in ay hoteelka ugu yimaadeen ayna waydiisteen baasaboorkiisa ka dib markii uu u soo dhacay tikitka ganaaxa, uuna sidaa ku bixiyay baasaboorkiisa isaga oo cabsanaya.
Sheekada ganaaxa Soomaaliga heysta dhalashada UK ayaa si weyn loogu faaqiday warbaahinta Ingiriiska oo soo bandhigeysa faahtaahin kiiska ganaaxa weyn ee la dul dhigay Farah Hashi.