Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay Liiska musharaxiinta u tartameysa 13-kursi oo ah kuraastii ugu danbeysay ee Gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, laguna dooranayo magaalada Baraawe.
13-ka Kursi waxaa loo diiwaangeliyay musharaxiinta dhan 26 musharax oo kursi kasta min labo musharax lagu qoray, iyadoo natiijadeeda lasii ogyahay, waxaana kaalimta hore ku jirajira 13-musharax oo si gaara loogu xiray inay kusoo kurastaasi.
Kuraasta la shaaciyay ee lagu dooranayo Baraawe lana shaaciyay musharaxiinta ku tartameysa ayaa waxaa ku jira kursiga HOP145 uu horey ugu fadhiyay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaankii 10-aad oo Cabdiweli Ibrahim Muudeyoo laga celiyay garoonka Muqdisho, isagoo ku soo jeeday Baraawe.
Ninka uu watro madaxweynaha K/Galbeed ee loo xiray Kursiga Hop145 ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdalla Axmed, kaasoo maanta la guddoonsiiyey shahaadda Musharaxnimada.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA

