Alshabaab ayaa qeyb kale oo ka mida odayaasha soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ee cafiska ugu tegay, iskana diiwaan geliyey degaanadooda kusoo bandhigay degaanka Kuunya-barrow ee Gobolka Sh/Hoose.
Odayaashan oo ka kala yimid Sh/Hoose iyo Bay aya tiradooda lagu sheegay 53 Oday, waxaan munaasabada lagu soo bandhigayay kasoo muuqday oo muxaadaro u jeediyey Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ah hoggaamiyaha ruuxigaa ah ee Alshabaab oo xilliyo kooban lagu arko fagaarayaasha .
Odayaashan ayaa la dhaadhiciyey inay towbad keenaan oo ay Gaalnimo ku jireen. waxaana loo qabtay seminar maalmo socday iyadoo loo geliyey koofiyado iyo cimamado, waxaana madaxda Shabaab ay u sheegeen inay walaalloobeen.







![Odayaal isu dhiibay Alshabaab oo lagu soo bandhigay Sh/hoose & Fu’aad Shongle oo Muxaarado u qabtay [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2019/09/Odayaal.jpg)