Odoyaasha iyo waxgaradka ka tirsan Beesha Sacad oo ku sugan magaalada magaalada Hobyo ayaa go’aan cusub ka qaatay Shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee ay qabanqaabineyso dowladda Soomaaliya. ee ka furmaya magaalada Dhuusamareeb.
Odayaashan oo Warbaahinta kula hadlay Degmada Hobyo ayaa sheegay inaysan ka qeyb galeynin shirka Dhuusamareen inta uu ka dhammaanayo shirka Beelaha H/Gidir ee ka socda magaalada Hobyo, waxaana odayaasha go’aankan shaaciyey ka mida Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed iyo odayaal kale oo ka tirsan wax garadka Gobolka Mudug oo wehliyey.
Arrintan ayaa ka dambeysay go’aan hore oo Odayaasha Beeshan ay magaalada Gaalkacyo kasoo saareen kadib markii ay la kulmeen Guddig Dib u heshisiinta Galmudug iyadoo caddeeyay inay ka qeyb galayaan shirka Dhuusamareeb,
Shirka Hobyo ayaa loo arkaa mid ujeedkiisu ahaa in lagu dhabar jebiyo qorshaha xukuumadda ee maamul u sameynta Galmudug oo ku kala qeybsantay dagaal siyaasadeed iyo loolanka beelaha H/Gidir dhexdooda ah.