Kulan aya maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen odayaasha Beesha Hawiye ayaa laga soo saaray talooyin baaq ku socda madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka, iyadoo looga digay waqti kororsi iyo Doorasho aan loo dhammeyn.
Odayaashan oo uu horkacayo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inaan laga aqbali karin inuu dalka geliyo hubanti la’aan Doorasho iyo khalkhal siyaasadeed
“Madaxwaynaha waxaan ka rabnaa inuusan dalka u horseedin fowdo, in 4-sanaba mar doorasho dhacdo baa heshiis lagu yahay, waa in Shirka Dhuusamareeb3 ay kasoo baxdaa doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Odayaasha Hawiye.
Odayaasha Hawiye ee uu hoggaamiyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa dib u soo noolaaday xilligan xaaladda kala guurka ah, iyadoo uu cakiran yahay shirka Dhuusamareeb 3 ee lagu waday in lagu gaaro heshiis siyaasadeed xilli aan la magacaabin Ra’iisal wasaare.
