Odayaasha Dhaqanka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Siyaasiyiin ayaa uga digay IGAD inay faragelin ku sameyso shirka Jowhar.
Waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka mid yihiin Imaam Maxamed Yuusuf Cali iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas C/lle oo shalay gaaray magaalada Jowhar iyo xildhibaano gaarayailaa 7 oo ka sagootiyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin faragelinta IGAD.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay inay ka digayaan qorshaha IGAs, ayna doodnayaan in maamulka la dhisayo la siiyo fursad la mid ah middii la siiyay maamulka Galmudug, si ay mas’uuliyiinta maamulkaas u soo doortaan xildhibaanada baarlamaanka uu maamulkaas yeelanayo.
Qorshaha soo shaac baxay ee IGAD ayaa ah in madaxweynaha maamulkaasi ay si gacan taag ah ku doortaan IGAD, waxaana ay wadaa musharax kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo xilka madaxweynaha loo caleemo saarayo.
Wadani.com