War-saxaafadeed kasoo baxay ururka Soomaaliyeed ee ONLF ee dagaalka kula jira dowlada Ethiopia ayey ku eedeeyeen Al-shabab inay gowraceen saraakiil sar-sare oo ururkaasi ONLF katirsan.
Cabdicasiis Maxamad Dahir iyo Maki Cumar Cabdi oo labadooda kawada tirsanaa saraakiisha sar-sare ee ururka ONLF oo bishii May 8, 2015 kasoo baxay magaalada Baydhabo una soo socday dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia xoogga ku haysato ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen saraakiishan inkastoo markii danbe la ogaaday inay afduubteen Al-shabaab.
Kadib baaritaan bilooyin ay sameey
een sirdoonka ururka ONLF ayey ku ogaadeen in saraakiishan la afduubtay Al-shabab ay geeyeen deegaanka Yaaq bariweyene kadibna hogaamiyaha Al-shabab ee deegaanka oo lagu magacaabo Isaaq Dhuxulow uu amray in la gowraco saraakiishan, isagoo hogaamiyahaasi aan sababayn gowraca saraakiishan.
Ururka ONLF waxay ku doodayaan in markii ugu horeysay aysan ahayn oo ay Al-shabaab gowracaan saraakiil ururkooda ka tirsan, iyagoo xaqiijiyay in Shababku ay horay u gowraceen 8 xubnood oo ururkasi katirsan , uuna kujiro madaxii hore ee ciidamada ONLF Ilyaas sheikh Ali.
Warsaxaafadeedkooda waxay ku sheegeen ONLF inay cambaareenayaan gowraca Al-shabab ay kula kaceen saraakiisha iyaga ka tirsan falkaasna uu yahay fal waxuushnimo ah.
Waxay ku eedeenayaan ururka ONLF Al-shabab inaysan daacad ka ahayn dagaalka Ethiopia madama ayba gowracayaan dadkii la dagaalamayay Ethiopianka.
Ugu dambeyntii warbixinta ururka ONLF ayaa lagu sheegay inuu jiro xiriir wanaagsan oo hoose oo u dhaxeeya Xarakada Al-shabab iyo Dowlada Ethipia, Al-shababna uusan daacad ka ahayn dagaalka Al-shabab.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]