Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»ONLF & Itoobiya oo qarka u saaran inay kala saxiixdaan Heshiis Taariikhi ah [Akhriso Wararkii ugu danbeeyay]

    ONLF & Itoobiya oo qarka u saaran inay kala saxiixdaan Heshiis Taariikhi ah [Akhriso Wararkii ugu danbeeyay]

    February 13, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maalintii seddexaad galay wadahadaladda magaalada Nairobi uga furmay jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya, kaasoo ay dhexdhexaadineyso Kenya.

    Wada-xaajoodka oo u socda qarsoodi aan saxaafadda loo ogolaan yaa Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge wuxuu sheegay inay wadahadalada ay si wanaagsan ku socdaan, lagana soo saari doono war-saxaafadeed.

    Ma ahan markii koowaad oo ay wadahadlaan Itoobiyo iyo ONLF, laakiin waxa ay u egtahay in kuwan ay aad uga miisaan culusyihiin kuwii hore. Afhayeenka ONLF ayaa yiri: “Barnaamijka siyaasiga ah ee ONLF ayuu ku xusan yahay in khilaafka Ogaadeeniya iyo Itoobiya lagu xaliyo hab wadahadal ah, mana ahan markii ugu horeysay, 1989-kii ayaan wadahadalnay, 1990-kiibaan wadahadalnay”.

    Dhammaan wadahadaladaasi waxa ay ku dhammaadeen guuldarro, balse xaqiiqda ah inay hadda isa soo hor fariisteen madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinta wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya oo dhinac ah iyo waftiga ONLF oo dhinaca kale ah ayaa wadahadalan ka dhigaya kuwa dad badan ay ka filayaan natiijo wanaagsan.

    Taageerayaasha jabhadda iyo kuwa kale ayaa baraha bulshada kusoo qoray in horumar laga gaaray shirka, isla markaasma ay u muuqato in heshiis kama dambeys ah la’isla fahmi doono.

    Sida uu sheegay afhayeenka ONLF, waxaa jiri doona shir kan ka weyn oo lagu kala saxiixan doono waxyaabihii lagu heshiiyay.

    Waxaa jiray guddi hawsha wadahadalka u xilsaarnaa muddo sanooyin ah oo ka tirsan dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo xildhibaan Yuusuf Xaaji oo markii ay wadahadalada bilaabanayeen ahaan jiray wasiirka gaashaandhigga.

    Waxaa kale oo guddiga dhexdhexaadinta ka mid ah guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunoow Qorane iyo Danjire Maxamed Cabdi Affey, kuwaas oo sida uu sheegay afhayeenka ONLF ay dowladda Kenya markale u xilsaartay hawsha dhexdhexaadinta maadaamaa ay iyaga hawsha horey ugu jireen.

    “Dowladda Kenya ayaa u xilsaartay, maadaamaa dhinac ka mid ah uu Af Soomaali ku hadlayay, Itoobiya waxaa matalayay wasaaradda gaashaandhigga, dhanka Kenyana wasiirkii gaashaandhiga xiligaas Yuusuf Xaaji, madaxweynaha hadda jirana isla guddigii hore ayuu dib usoo magacaabay”.

    Labada dhinac ee wadahadlaya iyo dhexdhexaadiyeyaashaba dhammaantood waa Soomaali marka laga reebo dhawr qof oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya.

    Markii ugu horeysay waxaa miiska dhinaca kale ka fadhiya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo xurgufta ugu badan ay ka dhaxaysay ONLF sanadihii dhawaa kadib dagaalo ay ciidammada Liyuuga ee ismaamulka la galeen dagaalamayaasha jabhadda.

    Sawirro ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Sheekh Ibraahim Dheere oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya, kaas oo ay xusid mudantahay in uu horey u ahaan jiray guddoomiyihii jabhaddii Soomaali Galbeed ee Itoobiya la dagaalami jirtay, taas oo heshiis ay gashay kadib hubka ku dhigtay, kadibna dowladda ku biirtay.

    Dhanka jabhadda waxaa waftiga hoggaaminaya guddoomiyaha wadahadalada ee ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey, ahna madaxa arrimaha dibedda jabhadda. Waxaa wehliya saddex xubnood oo kale.

    Heshiis ONLF Itoobiya Itoobiya ONLF Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNin Soomaali ah oo Meydkiisa laga helay Magaalada Ottawa oo Dalka Canada {Warbixin}
    Next Article Taliska Xoogga Dalka oo shaaciyey Qorshihii Weerarkii shalay lagu qaaday Alshabaab Sh/Hoose [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo