Dagaalk afka ah ayaa ka dhex qarxay orodyahannada heer caalami ee Mo Farah oo UK u tartamaya iyo Haile Gebrselassie oo Itoobiyaan ah markii uu Mo Farah ku eedeeyay ninka la loolama in hotelkiisa magaalad Addis abab looga xaday lacag iyo agab kala duwan.
Mo Faarax ayaa ku eeedeeyay Haile Gebrselassie inuusan waxba ka qaban markii hotelka uu leeyahay loga xaday lacag, labo taleefoon iyo saacad qaali ah oo qiimahoodu gaarayo 2600 Genniga Ingiriiska ah oo ka badan 3500 Doolar, wuxuuna qoraalkiisa cabashada ku yiri: “Aad ayaan oga niyadjabay Haile inuusan wax tallaabo ah qaadin”
Mo Faarax oo qoraal ka qoray dhaca loogu geytay hotelka Yaya Africa Athletics Village oo uu leeyahay Haile ayaa sheegay inuu dacwad ku soo oogayo hotelka iyo Haile, kadib markii hantidiisa lagu dhacay.
Haile Gebrselassie oo jawaab ka bixiyey sheegashada Mo Farah ayaa sheegay in dadka hoteelkiisa dega lagu wargaliyo in haddii uu qofka wato wax ka badan $350 oo lacag ay u sheegaan maamulka hoteelka si meel loogu dhigo ama uu ugu xaraysto qasnadda qolka u dhex taala, iyadoo Mo Farah aanu tilmaamahaasi raacin.

Qoraalka Haile ayaa lagu caddeeyay in arrinta Mo Farah lagu wargeliyay Booliska, iyadoo baaritaan lagu sameeyay shan ka mid ah shaqaalaha hoteelka, kuwaas oo la siidaayay markii wax lagu waayay. Waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha hoteelka ay Mo Faarax kasoo sheegteen xurmad darro iyo in uu si xun ula dhaqmay.
Waxaa kaloo Haile uu ku eedeeyay Mo Farah inuusan bixin kharashkii hotelka oo dhan £2,170 oo ahayd tii lagu yeeshay intii uu hoteelka deganaa isaga iyo dadkii la socday. Waxaa Mo Farah lagu soo oogay dacwad in uu weeraray qof xaas ah oo ka mid ah orodyahanada. Balse markii dambe dacwadda laga noqday kadib markii uu isaga soo dhexgalay.
Saxaafadda ayaa si weyn u hadal heysa kiiska ka dhex furan labada orodyahan ee heer caalami, iyo dagaalka aan orodka ahayn ee ka dhex qarxay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKII HOTELKA Yaya Africa Athletics Village
