Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Senator Faroole oo kashifay faragelintii Villa Somalia ku sameysay Doorashadii Puntland (Weerar Culus)

    Senator Faroole oo kashifay faragelintii Villa Somalia ku sameysay Doorashadii Puntland (Weerar Culus)

    April 25, 2019Updated:April 25, 20192 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Senaror Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, horena u soo ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa kashifay faragelintii ay Madaxtooyada Soomaaliya ku sameysay doorashadii Puntland ee Janaayo 2019, wuxuuna weerar ku qaaday hoggaanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee dowladda Soomaaliya.

    Faroole oo maanta ka hadalyey magaalada Garoowe, kadib markii uu soo dhaweeyay senatooro ka tirsan aqalka sare oo kasoo jeeda Puntland ayaa xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan.

    Wuxuu Senarot Faroole kashifay in Villa Somalia ay ku fashilantay faragelintii ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland, isgoo sheegay inay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaarkood oo ay wadatay balse ay soo bixii waayeen; wuxuuna intaasi klu daray in weli xukuumadda Federaalku ay sii wad faragelinta dowlad goboleedyada, ayna ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay maamulka Jubaland.

    Wuxuu kaloo Villa Somalia ku eedeeyay, inay furfurid iyo kala qeybin ku heyso, labada aqal ee Baarlamaannada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo sida uu sheegay ay shirar iyo kulamo abaabulan laga dhex sameeyay.

    “Ninkii is leh wax baad ka bedeli kartaa waa inuu ogaadaa qol buu ku xiran yahay federaal la yiraahdo oo furihii ay maamulada iyo aqalka sare haystaan,” ayuu yiri Sen. Faroole oo si toos ah ula hadlayey Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

    Senator C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in la khalday Dastuurkii KMG ahaa, dalkuna aanu haatan wax Dastuura lahayn, sida uu yiri. “Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole.

    Aqalka sare C/raxmaan Faroole Federaalka Top Villa Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleOrodyahannada Mo Farah iyo Haile Gebrselassie oo dagaal Afka ah ka dhex qarxay, Markii la xaday….
    Next Article AKHRISO: Shuruudo adag oo lagu soo rogay ardayda galeysa Imtixaanka Dowladda 2018-19.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo