Duqa Degaanka Meru ee dalka Kenya Peter Menyu ayaa sheega in noloshiisa ay halis ku jirto kadib markii lagu eedeeyay inuu isagu mas’uul ka ahaa joojinta Qaadkii loo dhoofinay Soomaaliya.
Ganacsatada iyo beeraleyda Qaadka ayuu sheegay inay qudha ka jarayaan ayna ugu wacan tahay kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Jamaal Xasan uu ku eedeayay inuu mas’uul ka ahaa xayiraadda Dowladda Soomaaliya ay saartay Qaadka Kenya.
Wuxuu ku eedeeyay xisbiga dalka Kenya ka taliya ee Jubillee inuu ka danbeeyo shirqoolkan ay u dhiibeen safiirka Soomaaliya si dadka Kenya been loogu sheego oo lagu eedeeyo isaga arrimo aan jirin, wuxuuna ku dooday in joojinta Qaadka ee dowladda Soomaaliya ay la xiriirto shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho ka dhacaya.
Isagoo ka hadlayay xarun caafimaad oo ku taala Tiganda galbeedka Meru ayuu sheegay Peter Munya in qaabka ay dadka ka soo horjeeda adeegsadeen markan ay tahay mid halis ah oo noloshiisa qatar gelisay.
“Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa caddeysay in Alshabaab ay qorsheysatay inay toogtaan diyaarad kasta oo lagu arko hawada Muqdisho, Hadda ma anigaa Alshabaab noqday” ayuu yiri Menyu oo sheegay in ururka ay leeyihiin dadka Qaadka beerta oo lagu yaqaan inay dilaan dadka ganacsigooda hortaagan ida ninkii la oran jiray Ntai wa Nkuraru uu isagu hadda u noqday bar-tilmaameed.
Wuxuu sheegay inuu Somaliland u aaday wadahadal iyo inuu suuq u gelo Qaadka, iyadoo dowladda Kenya ay Hargeysa ka furtay Qunsuliyad, wuxuuna sheegay xisbiga Jubilee ay ka danbeeyaan qorshahan shirqoolka ah oo ay soo abaabuleen Mudanayaasha Kiraitu Murungi iyo Mithika Linturi.
Wuxuu intaa ku daray in Kiraitu uu wadahadal la yeeshay Safiirka Soomaalida ee Kenya ayna isla qorsheeyeen dacaayadda isaga laga faafiyay oo safiirka loo dhiibay.
Wadani.com