Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed  Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda shirka ka socda magaalada Baydhabo ee maamulka loogu dhisayo saddexda Gobol, isagoo sheegay in shirkaasi hakad ku jiro oo doorasho halkaas ka dhacdana aan la aqbali doonin.
War saxaafadeedka ka dambeeyay kadib markii guddiga shirka wada iyo ergada ay ku dhawaaqeen inay maanta oo Isniin ah dooran doonaan madaxweyne iskana dhega tireen go’aankii madaxda sare ee dalka ku haliyeen shirkaasi. Prof’ Jawaari ayaa ka digay doorashadaasi carqalad ku keeni karo dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
[blockquote style=”4″]axaa halkan looga digayaa guddiga iyo ergada shirka maamul dhisidda Koonfur Galbeed iney ku kicin wax carqalad ku keeni kara habsami u socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale go’aammo dhalin kara carqalad,xasilooni darro iyo dib u dhac baaxad weyn oo ku yimaada xaqiijinta himilada dhismaha maamul loo wada dhan yahay.[/blockquote]
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si toos ah u taageeraya Shariif Xasan Sheekh, iyadoo guddiga shirka wada ee ka amar qaata madaxweynaha ay ku adkeysteen inay sii wadayaan shirka, xubnaha qaarka ka mida guddiga ayaa tilmaamay in shirku u hakan karo maalin arrimo ku saabsan farsamo iyo sidii codka loo dhiiban lahaa, balse ay qabsoomi doonto doorashada, waxaana hadda muuqanaya in Shariif Xasan isu diyaarinayo caleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyadoo aanay jirin cid ka hor istaagi karta.
Arrintan ayaa mugdi gelin karta xiriirka markii horeba shakiga ku jiray ee Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in kooxda 6-da Gobol oo iyaduna iskeed u taagan ay qalalaase kala hortagto doorshada ka dhici doonta Baydhaba.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]