Qaar ka mida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo balanqaaday in la siin doono jago wasiirnimo si loo helo taageeradooda, waxayna hadda safka hore uga jiraan olalaha lagu doonayo in lagu meel mariyo mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh.
Xubnahan oo ah kuwa ugu afka dheer ee horboodaya mooshinka waxaa kamida:
1. Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil: xildhibaankan wuxuu hore u ahaa wasiirkii dastuurkii dowladii C/weli Gaas, waxaana loo aaneeyaa inuu ka dambeeyo khaladaadka dastuurka KMG ah ku jira ee keenay inay kala caddaan waayaan qodobadii la filayay in lagu kala baxo, sida sida awoodaha madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.
Xildhibaan Cabdi Xoosh, wuxuu isbaheysi la sameystay Madaxweynaha iyo kooxdiisa, markii ugu horeysayba wuxuuna ahaa ka mid ahaa xildhibaanno loo diray Nairobi si ay ugu ololeeyaan dowladda Xasan Sheekh iyagoo dagaal la galaya xilligaas maamulkii Jubba iyo Puntland. Kooxdan waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Goodax Barre oo wasiir noqday iyo Xuseen Carab Ciise.

2. Maxamed Abdi Xayir (Maareeye) waa xildhibaan kale oo ka mida xubnaha wasiirnimada loo balanqaaday, loona sheegay in lagu bedeli doono wasiirka hadda ee Awqaafta iyo diinta. Md. Xayir wuxuu muddo dheer ka oomanaa jagada wasiirnimo, wuxuuna si weyn uga dhex muuqdaa ololaha lagu ridayo xukuumadda C/weli.
3. C/qaadir Cosoble: Waa xildhibaan kamida kuwii sida weyn u mucaaraday madaxweyne Xasan, hormuudka ka ahaa saxiixii madaxweynaha loogu baaqay inuu is casilo, laakiin waxaa isbedel weyn ku yimid muddooyinkan danbe kadib kulamo hoose oo ay ku heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha, wuxuuna hadda rajo weyn ka qabaa in jago wasiirnimo uu ka helo xukuumadda cusub haddiiba ay dhacdo tan hadda lagu muransan yahay.
LA SOCO DHOWAAN QEYB KALE OO KA MIDA XILDHIBAANNADA JAGOOYINKA LOO BALANQAADAY EE HOGGAAMINAYA MOOSHINKA LAGU RIDAYO XUKUUMADDA C/WELI SHEEKH AXMED…
Goobjooge.com
London
[ad name=”HTML”]