Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ah & Xasan Sheekh oo waagu ku baryay [WARBIXIN]

    Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ah & Xasan Sheekh oo waagu ku baryay [WARBIXIN]

    August 2, 2016Updated:September 16, 20162 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ah
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hubanti la’aan sharciyeed iyo xaalad cakiran ayaa hareysay xaaladda Soomaaliya iyadoo lagu wado in dib loo dhigo xilliga doorashada 2016 oo lagu waday inay soo dhammaato horaanta bisha September.

    Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah xilka madaxweynaha oo ku eg 10 September iyo cidda markaas kadib madaxweyne ka noqon doonta dalka.

    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan wax ka bedel ku sameeyay Baarlamaanka iyadoo sharciyeystay in xilkoodu sii jirto inta laga dooranayo Baarlamaankii bedeli lahaa Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira oo la dhisay Ogost 2012.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka xilkiisu dhamaado oo ku beegan 10 Septembar 2016 oo ay ka harsan tahay iminka wax ka yar 40 casho, laga doonayaa inuu talada wareejiyo, isagoo aan ku jirin hay’daha xilka sii wadi doona, waxaana sharciyaqaanada qaarkood ay qabaan inuu madaxweyne KMG ah noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inta laga soo dooranayo madaxweyne cusub.

    Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlaya haddii ay dhacdo inuu bannaanaado xilka Madaxweynaha in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu madaxweyne KMG ah noqonayo oo muddo 30 casho ah lagu qabanayo doorasho.

    Ma muuqato in Baarlamaanka Federaalka ee shaqadii laga joojiyay uu xilka u kordhinayo madaxweyne Xasan Sheekh sida ay iyagu sameysteen, sidoo kale Dastuurka KMG ah si cad uma sheegayo haddii ay dhacdo in xilka Madaxweynaha la dooran waayo xilligii loogu talogalay, waxaase ku jira qodob muujinaya sida xaalku noqonayo haddii xilka Madaxweynaha bannaanaado sabab kastaba.

    Ma jirto sabab uu madaxweyne Xasan Sheekh Madaxweyne ku sii ahaan karo kadib marka uu dhammaado xilkiisa hortaanka bisha soo socota ee Seprember, waxaana cabsi laga qabaa in dalku galo xiisad sharci iyo xasilooni la’aan siyaassadeed haddii uu isku dayo inuu xilka madaxweyne sii wado Xasan Sheekh Maxamuud.

    HOOS AKHRI QODOBADDA 91 & 95 oo ka hadlaya arrintan 

    Xil-Madaxweyne2

    Xil-Madaxweyne Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaaari) ayaa loo diyaarinayaa inuu markii ugu horeysay madaxweyne ka noqdo Soomaaliya isagoo aan wax loolan ah u gelin. Xildhibaano badan iyo musharixiin ayaa taageersan inuu Mudane Jawaari xilka madaxweynaha la wareego laakin waxay tani caqabad ku noqoneysaa damaca Jawaari ee ah inuu mar kale noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka hoose.

    Maxkamadda Sare oo arrimaha khilaafka dastuuriga ah hadda u xil saaran kadib markii dowladda Xasan Sheekh ku fashilantay inay dhisto ayaa waxaa guddoomiye u ah mas’uul cusub oo la filayo inuu u xagliyo madaxweynaha khilaaf kasta oo ka dhasha sharciyadda madaxweynaha.

    Waxa diyaariyay: Wadani.com

    Featured Madaxweyne Kumeelgaara Prof. jawaari Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ah Top Xasan Sheekh Xilka madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Wasiir Odowaa oo taageero lacageed u diray nin ku xanuunsan Magaalada Burco
    Next Article C/weli Gaas: “Haddaan KMG ka baxnay maxaa Kay & Keating noo hor joogaan….” [DHAGEYSO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo