Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaan guddoomin doonin kulanka Baarlamaanka ee Berri xukuumadda cusub lagu horgeynayo.
Kulankan oo maanta ay shaacisay xogheynta Baarlamaanka ayaa waxaa guddoomin doona Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey, taasoo ay ugu wacan tahay inuu Prof. Jawaari noqday kusimaha madaxweynaha, markii uu dalka ka dhoofay madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka madaxeedka Jaamacadda Carabta ee dalka Jordan.
Madaxweynaha oo qorsheystay inuu shirkaasi ka baaqdo ayaa lagu wargeliyay inay u wanaagsan tahay inuusan ka baaqsan shirkaasi si guddoominta Baaralmaanka iyo kulanka kalsooni siinta uu awoodi waayo Prof. Jawaari inuu guddoomiyo.
Inkastoo heshiis laga gaaray arrintii dib ugu laabashada golaha wasiirada cusub, haddana kooxda la shaqeysa madaxweynaha ayaa sheegay in guddoominta shirka Baarlamaanka ee Jawaari dhibaato keeni karto, taasoo keentay in madaxweyne Farmajo dalka ka dhoofo, Jawaarina uu noqdo kusime madaxweyne.
Wadani.com