Golaha wasiirada Puntland ayaa shirkoodii maanta ee caadiga ahaa oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Camey waxay uga hadleen arrimo taabanaya xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shirkaasi.
Puntland ayaa caddeysay inaysan waxba ka quseynin guddiyada Dowladda federaalka ku dhawaaqdey dhowaan, waxayna ku sheegeen inay gudiyadaasi yihiin sharci darro aan waafaqsaneyn Dastuurka Soomaaliyaa. Golaha wasiirada Puntland waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inaysan Puntland la shaqeyn doonin guddiyadaasi, isla markaana aysan tegi karin degaanada Puntland.
Sidoo kale Golaha wasiirada Puntland waxay sheegeen in aysan jirin ciidamo AMISOM ah oo la keenayo Puntland wararkaasina ay yihiin kuwo been abuur ah, iyadoo ay ku filan yihiin ammaankooda laguna qasbi karin ciidamo shisheeye oo la keeno Puntland.
Puntland ayaa maalmahan waday olole ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo guddiyada heer qaran ee golaha wasiirada xukuumadda Federaalka ay ansixiyeen, waxayna sidoo kale ka hor timid in ciidamo AMISOM ka socda tagaan degaanadeeda inkastoo aan la ogeyn waxa mowqifkani ku danbeyn doono.
AKHRI WARSAXAAFADEEDKA

Goobooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]