Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo laga keenay agga Tukaraq ee gobolka Sool u direen magaalada Gaalkacyo.
Guutada ka tirsan ciidamada dagaalka u diyaarsan ee ku sugan Gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland, waxaana la sheegay inay howlgallo amni ka fulin doonaan magaalada Gaalkacyo kadib kiis naxdin dhaliyey oo lagu dilay gabar 12 sano jir ahayd markii lagu tacadiyey.
Ciidamadan ayaa loogu baahday si ay u soo celiyaan amniga Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo Booliska ku filnaan waayeen markii amni darro badani ka dhacday, waxaana ciidamada hoggaaminaya saraakiil ka tirsan Daraawiishta Puntland.