Puntland ayaa dib u bilowday saaka dhismaha maxjarkii xoolaha ee muranku ka dhashay, kaasoo dhaliyay dagaal shalay dhex maray labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland.
Xaaladda magaalada yaa degan saaka iyadoo weli ay jirto xiisadii colaadeed iyo hadalllo kulul oo ay warbaahinta isu mariyeen labada dhinac.
Qasaaraha dagaalkii shalay ayaa gaaray 10 qof oo dhimasho ah, halka dhaawacana uu intaas ka badan yahay. Waxaa jira weli cabsi ku saabsan inuu dagaalku dib u bilowdo, taasoo ay ugu wacan tahay falalka dhinaca Puntland.
Wadani.com