Maamulka Puntland ayaa dib u celiyay dad Itoobiyaan soo-galooti ahaa oo ku sugnaa magaalada Garowe, kadib markii ay dalbadeen in dalkooda lagu celiyo.
Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland waxaa Saaka Sabti 16 March, la cdib loo celiyay dad Itoobiyaan ah oo iskood isu diiwaangeliyay, laakiin wasaaraddu ma sheegin tirada Itoobiyaan dib loo celiyey.
Dib u celinta ayaa waxaa gacan ka geystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxaana laga daabulay koontaroolka Galbeed ee magaalada Garoowe iyagoo la geyn doono xuduudka degaanka Tuurdibi ee degmada Galdogob, halkaasoo ay Itoobiya ka geli doonaan.
Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa degaanada Puntland dib uga noqday 3000 kun oo soogalooti Itoobiyaan ah, kuwaasoo u badan Qowmiyadda Oromada.