Maamulka Puntland ayaa joojiyey xil wareejinta xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee magaalada Garowe kadib markii dowladda Soomaaliya ay mas’uul cusub u magacawday .
Qoraal ka soo baxday ku simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash ayaa lagu amray agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil-wareejinta xafiiska hay’addaasi ee caasimadda Puntland.
Amarkan ayaa soo xigtay qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Maxamed Aaden Koofi oo ku taariikhaysan 8-dii bishan January 2020, kaasi oo agaasime cusub loogu magacaabay xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Puntland.
Agaasimaha cusub ee xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka u qaabilsan Puntland, ayaa loo magacaabay, Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil, halka agaasimihii hore ee xafiiskaasina loo wareejiyay xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku leedahay magaalada Muqdisho.
