Puntland ayaa ku eedeysay ururka Daacish, qeybta Soomaaliya inay ka danbeeyeen qarixii lala beegsaday kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Puntland.
Wasiirka aminga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay inay ururka Daacish ku tuhmayaan Qaraxa Miinada oo maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo ka mid ahaa kolonyo la socotay wasiirka kuna socdaalayey degaanka Balli-dhidhin ee hoostaga degmada Qandala ee gobolka Bari.
Dhinaca kale, War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna Alshabaab caddeysay in Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo taliyaha Daraawiishta Yaasiin Cumar Dheere ay si dirqi ah uga badbaadeen Qarax ay Alshabaab kula beegsadeen gobolka Bari.
Qaraxa miino ayaa waxaa ku dhintay hal askari, halka mid kale uu ku dhaawacmay, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Puntland.
Alshabaab iyo Daacish ayaa saldhigyo ku leh oo ka howlgala Gobolka Bari, gaar ahaan Buuraha gobolkaasi oo muddo sanado ah ay ka taliyaan.
