Dowladda Federaalka Soomaaliya aya lacag gaareysa 2 Milyan oo Dollar u dirtay maamul Goboleedka Puntland muddo toddobaad gudihiis ah.
Lacagtan ayaa kala ah: Hal Milyan Doolar oo loogu talogalay wax ka qabashada Cudurka Covid-19 iyo Hal Milyan oo ah lacag dowladda Soomaaliya u qoondeysay dadka ku waxyeeloobay Daadka ku rogmaday Degmada Qardho ee Gobolka Bari.
Wasiir Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal oo ka tirsan Guddiga Puntland u saartay Gurmadka Qardho ayaa caddeeyay inay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar ka heleen dowlada Federaalka, taasoo lasoo gaarsiiyey Guddigooda, isagoo dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey gurmadkaasi.
Dhowaan ayaa sidoo kale Qasnada Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland ay dowladda Federaalka ku shubtay lacagta Halka Milyan Doolar ahayd ee xukuumadda Soomaaliya u qoondeysay maamul Goboleedyada dalka.
Dowladda federaalka ayaan weli gurmad la gaarin Degmada Baardheere oo fatahaad xoog leh ka dhacday, waxaana maamul Goboleeyda kale qaarkood gaaray Nus Milyan Dollar, halka Jubbaland aan wax lacag ah loo dirin.