Maamul Goboleedka Puntland aya u jawaabay Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maamullada ka codsaday inay soo gudbiyeen xisaabcelin iyo dalab lacag cusub ee ka timid Bankiga Adduunka oo qeyb ka ah mashruuca ‘Surge Support’.
Qoraal ka soo baxay Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa lagu faahfaahiyey jawaabtaa loo diray Wasiirka maaliyada Soomaaliya, isagoo sheegay in xilli hore ay xisaab celinta u gudbiyeen dowladda Federaalka.
HOOS KA AKHRISO
“Lacagta naga soo gaaray dowladda Dhexe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland. iyo lacag loogu tala galay in lugu taageero kharashyada iyo adeegyada qayba ka mid ah Wasaaradaha iyo hayaddaha Dawladda Puntland taasoo dhamayd USD ( $ 50,000) ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kaloo lagu sheegay Qoraalka in wasaarada maaliyada Puntland ay la wadaageen xisaab-celinta dhammaan xafiisyada ay khuseysay muddo bil ka hor oo uu ku jiro Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Federaalka:
“Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Puntland, waxay xisaab celin ka sameesay lacagihii ka soo gaaray Dawladda Federalka Soomaaliya, ayadoo la wadaagtay dhamaan xafiisyada ay khuseeysay muddo bil ah ka hor, sidoo kale waxay ku faafinaysaa Baraha Bulshada, si ay u daalacdaan ummadda Soomaaliyeed una arkaan, dhaqaalaha iyo cadadka naga soo gaaray Qorshihii Guud ee Soomaaliya loo qoondeeyay inta u le’eg yahay, run ahaantii waxay Wasaaradda Maliyaddu Puntland ka tiiraanyoonaysaa in Dawladda Soomaaliya oo dhaqaale badan ku soo qaada Magaca Soomaaliya hadana Dawladd Goboleedyadii Xubnaha ka ahaa ay gaarsiiso qadar intaas le eg inta kalena ay Dawladdu iyada sida ay doonto u Maamulato”