Qoraallo kala duwan oo ka soo baxay maamul Goboleedka Puntland iyo xisbiyada siyaasadda ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore -Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa taageeray oo hambalyo u diray Baarlamaanka cusub ee Jubbaland oo Garabka madaxweyne Axmed Madoobe soo dhisay, kadib markii maanta lagu dhaariyey magaalada Kismaayo.
Qoraal ka soo baxay Madaxtootyada Puntland ayaa si weyn looga taageeray dhismaha Baarlamaanka cusub ee Jubbaland, waxayna u rajeysay in doorasho xor ah ay ka dhacayo halkaasi. Sidoo kale Xisbiga UPD ee uu hoggamiyo Xasan Sheekh ayaa si buuxda u taageeray dhismaha Baarlamaanka cusub, halka xisbiyada Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif iyo Xisbiga Wadajir ee C/raxmaan C/shakuur ay sidoo kale taageereen doorashada Jubbaland iyo Guddiga uu magacaabay Axmed Madoobe.
HOOS KA AKHRISO DHAMMAAN WAR-SAXAAFADEEDYADA
MADAXTOOYADA PUNTLAND

XISBIGA XASAN SHEEKH EE UPD

XISBIGA SHARIIF SHEEKH AXMED EE HIMILO QARAN

XISBIGA WADAJIR EE C/RAXMAAN C/SHAKUUR
