Madaxda Ururka Alshabaab ee Soomaaliya oo hoos taga Ururka Al-qaacida ayaa ah kuwo is qariya oo aan la aqoon, balse magacyada qaar ka mida laga maqlo marka uu Mareykanka soo saaro inuu abaalmarin lacageed dul dhigay.
Hab dhismeedka ururka ayaa muddooyinkii danbe u sii dhowaanayey sida dowlad casrsi ah, wuxuuna isu bedelay Xukuumad leh dhammaan hay’adaha Amniga, Dhaqaalaha iyo arrimaha Bulshada, isagoo maamula degaano badan oo ka mida Koonfurta Soomaaliya.
Machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa soo bandhigay qaab dhismeedka Alshabaab oo uu ugu sareeyo Amiirka Axmed Diiriye, waxaana kaaliyeyaal u ah ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan iyo Afhayeenka guud Sheekh Cali Dheere.
Alshabaab ayaa leh 13 Amiir oo u dhigma Wasiiro, kuwaas oo mid kasta u xil saaran yahay shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradaha oo kale, waxaana ka mida:
1- Amiirka Ciidamada
2- Amiirka Amniyaadka
3- Amiirka Qaraxyada
4- Amiirka Muhaajiriinta
5- Amiirka Warfaafinta
6- Amiirka Maaliyadda
7- Amiirka Xisbada (Booliska)
8- Amiirka Caafimaadka
9- Amiirka Dacwadda
10- Amiirka Zekada
11- Amiirka Garsoorka
12- Amiirka Wilaayaadka
13- Amiirka Siyaasadda
HOOS KA AKHRISO SHAXDA QAAB DHISMEEDKA ALSHABAAB
