Waxaa goor dhoweyd magaalada Gaalkacyo kusoo gabagabowday doorasho si weyn loogu tartamay oo ah kursiga HOP060 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.
Wareegii labaad oo ay isugu soo hareen musharixiinta kala ah; Ubax Tahliil Warsame iyo Qaali Cali Shire, waxaa ku guuleystay Qaali Cali Shire, halka Ubax Tahliil oo kursiga ku fadhisay ay ku fashilantay inay kusoo laabato.
Natiijada wareega labaad ee kursiga HOP#060 waxaa ku guuleystay Qaali Cali Shire oo heshay 61 cod, Ubax Tahliil Warsame waxay heshay 40 cod.
Waxaa kursiga HOP060 ku guuleystay Qaali Cali Shire oo kusoo baxday doorashadii ugu adkeyd ee si hufan loogu tartamay magaalada Gaalkacyo Doorashada Dadban ee Soomaaliya 2022.
Ubax Tahliil ayaa ka mid ahayd taageerayaasha waweyn ee madaxweyaha muddo xileedkiisu dhamamaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka adkaatay Qaali Shire oo halheyskeedu ahaa ‘Codkiina ku cibaadeysta’.
