Qaar ka mida dhaawacyada Qaraxyadii magaalada Baydhaba ayaa Galabta la keenay magaalada Muqdisho, kadib markii laga soo duuliyey Baydhaba.
Dhaawacyada oo ay diyaarad kasoo qaaday magaalada Baydhaba ayaa gaaraya 8 qof oo ka mida kuwii ugu darnaa ee ku waxyeeloobay Qaraxyadii mattaanaha ahaa ee magaalada Baydhaba ka dhacay shalay, waxaana intooda badan la geeyay isbitaalka Erdogan (Ex. Digfeer) ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhaba iyagoo gaarsiiyey shixnad Daawo ah oo ay u dirtay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.