Qaar ka mida Guddiga Doorashada maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay is casili doonaan, kadib cadaadis xoog leh oo uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xubnaha Guddigan ee qarka u saaran is-casilaadda ayaa la sheegay inaysan raali ka ahayn dib u dhigista maanta lagu sameeyay doorashada Madaxweynaha maamulkaasi, iyagoo sheegay in qorshaha dib u dhigista uu ahaa mid ka yimid dowladda Federaalka.
Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka sare, kana soo jeeda K/Galbeed ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay cadaadis weyn saartay Guddiga Doorashada, isla markaana ay dooneyso inuu doorashada ku soo baxo shaqsi ay wadato, wuxuuna ka digay in dhibaato weyn halkaasi kasoo fool leedahay.
Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed ayaa maanta markale dib loo dhigay laba toddobaad oo hor leh, iyadoo hadda dhcii doonta 19-ka Disembar 2018.