Wararka laga helayo magaalda Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in qaar ka mida madaxda Jabhadda hubeysan ee ONLF ay ka degeen magaaladaasi, saacado kadib markii ay magaalada Nairobi uga dhawaaqeen xabbad joojin iskood ah.
Saddex mas’uul oo ka tirsan madaxda ONLF ayaa tegay magaalada Addis ababa, kuwaasoo uu ka mid yahay afhayeenkii ururkaasi C/llaahi Xasan Hirmooge Caddaani, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ururka ONLF.
Waxaa lagu wadaa inay magaalada Adis ababa kulan ku yeeshaan saraakiisha ONLF iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo kuwa Degaanka Soomaalida, iyadoo socdaalkooda uu ku soo beegmay isbedello ka socda degaanka Soomaalida Itoobiya.