Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mida masaajidda magaalada aan maanta lagu tukan salaadii Jimcadda, iyadoo qaarkood ay tageen ciidamada dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u soo jeedisay in dadku guryahooda ku ekaadaan, balse ma jirin amar lagu xiray masaajidda magaalada caasimadda, laakiin qaar ka mida ku yaalla magaalada ayaa waxaa maanta tegay ciidamo ka tirsan Boolis iyo nabadusugid, kuwaasoo amray in la xiro.
Masjidka Sheekh Abuukar Macallin ee ku yaalla degmada Boondheere ayaa la sheegay inay xireen ciidamada dowladda salaadii ka hor markii ciidamo halkaasi tegay ay amar ku siiyeen dadkii inay isaga tagaan masjidka, iyadoo aan lagu tukan. Waxaana sidoo kale aan salaadii Jimacaha laga oogin masjidka weyn ee Isbaheysiga islaamka oo u dhow madaxtoooyada ayna ku tukan jireen mas’uuliyiin iyo saraakiisha dowladda; halka Masjidka Marwaas ee degmada Xamrweyne ciidamo tegay ay dhaliyeen gadood ay sameeyeen jameecadii masjidkaasi, iyagoo salaadii kadib bannaanbax sameeyay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhowaan sheegtay in cudurka Coronavirus uu ku faafayo gudaha magaalada Muqdisho, markii uu u dhintay qofkii ugu horeeyay ee aan dalka ka bixin.